AZAANIA

10:54 pm
20 December 2014

Shirkii Tageerada Jubaland ee Ohio oo si habsami ah u dhacay

Shirkii dabaaldega Jubaland oo si aad ah loogu taageeray dhismaha Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay April 6,2013, lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohio Jaaliyada Somalida ee ku dhaqan Columbus, Ohio ayaa dabaal deg aan caadi ahayn oo lagu garab istaagayo dhismaha Jubaland State ku muujiyay sida ay uga go’an tahay inay walaalahooda reer Jubaland ku garab istaagaan dhismaha dawlad goboleedka Jubaland. Shirka oo ay ka soo qaybgaleed qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed ee reer Ohio ayaa waxaa ka hadlay dublumaasiyiin, siyaasiyiin, masuuliyiin iyo qaybaha kaladuwan ururada bulshada.

Dublumaasiyiinta kahadashay shirka taageerada Jubaland State ayaa waxaa kamid ah ahaa Ambassador A/Kariin Aw Ali oo aad ugu nuuxnuuxsaday inan cidina hor istaagi karin dhismaha Jubaland.

Ambassador-ka ayaa dawlada federal-ka ee Somalia ugu baaqay inaysan ku ceeboobin isku dayga dibindaabyada danaha shacbiga Jubbooyinka. Safiirka ayaa qeexay waajibaadka dawlada iyo xuquuqda shacbigu kuleeyahay sida waafaqsan dastuurka qaranka Somalia.

Waxaa kaloo shirka qudbado dhaxal-gal ah kasoo jeediyay saraakiil iyo siyaasiyiin ay kamid ahaayeen Ambassdor Adan-Sandheere, gudoomiyaha jaaliyada Ohio Mahamud A/Qadir, Jeneral Ahmed-Shukri, Jeneral Xiirane, Wasiir ku xiggeenka Amniga ee Puntalnd, wakiilka  Ugas Xashi, aqoon yahan Saahid Qodhob, abwaan Xamud Ismaciil, gudoomiyaha jaaliyada  Ohio A/llahi Nur Faracade, xildhibaanad Marwo Duniya Yusuf, xoghayaha gudiga taageerada Jubaland ee Ohio iyo masuuliyiin kale

Baaq:
Shirka Ohio waxuu ugu baaqay dawlada federal-ka Somalia inay kawaantowdo faragalinta guracan ee ay ku hayso dhismaha maamul goboleedyada dalka balse ay ku ekaato waajibaadkeeda dastuuriga ah.

Jaaliyada Somalida Ohio waxay u soo jeedinaysaa qurba joogta reer Jubaland inay u istaagaan midaynta iyo taageerada shacbiga reer Jubaland.

Taageero:
Shirk Ohio waxaa lagu gaadhay in taageero buuxda oo dhan walba ah loo gaysto maamul goboleedka Jubaland sida dhaqaallaha, siyaasada, horumarka iyo dhamaan adeegyada bulshada.

Source Ijaranews.com